Xildhibaanadda gollaha deegaanka ee gobolka Karlstad oo ka doodaya masaajid muslimiintu yeelato oo halkaas laga dhiso

2

Degmadda Rud ee ku taala gobolka Karlstad ayaa haatan waxaa ka socda dood ay ka doodayaan mudanayaasha gollaha deegaanka ka  masaajid muslimiinta halkaas ku dhaqan ay ku dooneeyso in looga dhiso.

Doodaan ayaa timid ka dib markii xisbiga xag jirka ah ee SD, ay su’aallo arrintaasi la xirriirta u direen gudoomiyaha gollaha deegaanka Per-Samuel Nisser bishii janaayo ee sanadkan. Doodaan oo soo jiitameeysay ayaa hadda laga munaaqishoonaya dhismaha dhul ahaaneed ee masjidkaaasi iyo sida sharciga u waafaqayo. Tiiyoo ay jirto ayaa hadana waxaa la dhowrayaa ogolaansho lugu dhiso oo ay bixo waaxda dhismaha.

Dhinaca kale waxaa jira su,aalo kale oo ay ka doodayaan xildhibaanadda asxaabta kala duwan ka tirsan ee gobolkaasi. Bishii janaayo ayaa haweeneyda lugu magacaabo Ljubica Jasic Modin, oo ka tirsan xisbigaas xag jirka ah ee SD, waxaa ay maamulka u gudbisay sagaal su’aalood oo la xirriira sida uu maareeynayo gobolka xagjiryeeynta dhalinyarada, tacdi sharafeedka dumarka lugula kaco iyo sida ay urrur dhaqameedyada islaamiga ay xisaab xir la xirriirta dhaqaalaha soo gala masaajidka u soo gudbin lahaayeen iyo sida ay misna u maareeyn doonaan ku dhawaanshaha masjidka kaniisada gobolka oo aadaanka salaada dadka dhibsansan doona.

Somaliska.com
Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here