Xirfadaha shaqada & xiisaha Soomaalida [Video]

Maanta waxaan ka qeyb galay bandhig waxbarasho oo uu soo qabanqaabiyay xaafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) kaasoo lagu qabtay magaalada Uppsala.

Bandhiga oo ahaa mid loogu tala galay dadka soo galootiga ah ee wadanka yimid ka dib 2010 ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo laga soo ururay gobolada dariska la ah Uppsala. Goobta ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxbarashooyin xirfadeed aan u baahneyn shuruudo adag. Ujeedada ayaa ah in dadka firfircoon ee doonaya in ay xirfad samaystaan loo diro waxbarashooyinkaan lagu magacaabo (Yrkesutbildningar) kuwasoo qofku marka uu soo dhamaysto uu shaqo ku raadsan karo.

Soomaalida ka soo qeyb gashay bandhiga waxbarashada oo aan qaar ka mid ah wareystay ayaa iila muuqday kuwo aad u xiisanayna arimahaan. Dadka ayaa loo qabtay seminaaro ku saabsan koorsooyinka kala duwan ee ay bixinayaan shirkadaha heshiiska kula jira Arbetsförmedlingen. Ka dib bandhiga ayaa Soomaalida meesha timid bilaabeen in ay dalabkooda gudbiyaan, iyadoo shaqaalaha Xafiiska Shaqada ay balan qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan qofkasta jawaab loogu soo diri doono.

Waxaan isku dayay in aan u kuur galo waxyaabaha ay xiisanaynayaan Soomaalida, iyadoo ay ii soo baxday in ay aad u yartahay tirada dadka goobta la yimid go’aan dhab ah. Inta badan Soomaalida ka soo qeyb gashay bandhiga ayaa ahaa kuwo aysan u kala cadeyn wixii ay xirfad ka dhigan lahaayeen iyadoo qaar badan ay talo raadis ahaayeen, halka qaar kale ay iska dalbadeen wixii ay asxaabtooda dalbadeen.

Koorsooyinka goobta lagu soo bandhigay oo u badnaa kuwo gaaban ayaa waxaa ugu caansanaa xirfada looga shaqeeyo baqaarada (Lagermedarbetare) oo wiilashu ay aad u xiisaynayeen iyo gabdhaha oo u batay dhinaca Undersköterska iyo Omvårdnad (daryeelka dadka waaweyn). Mar aan waydiiyay gabdhaha sababta ay ku doorteen xirfadahaan ayay ii sheegeen in ay yartahay shuruuda lagu gali karo isla markaana ay tahay xirfad aan xoog u baahnayn.

Xirfadaha kale ee goobta lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa shaqada warshadaha, gaadiidka sida baska iyo baabuurta xamuulka, nadaafada, waxbarashada geedaha iyo kuwo kale oo badan. Waxbarashooyinkaan ayaa loogu tala galay dadka shaqo raadiska ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Muslima says:

    Asalaamu calykum! Waa ra,yi fiican waana in uu qofku go,aan yeesho. Miyaysan waligood waxay noqonlahaayeen kufikirin? Walaal Jimcaale anaa geedaha baran lahaaye, walaal dadka aan xafiiska shaqada kujirin waxbarashadu ma u, furantahay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Aden says:

    waxaan ku talin lahaaa qof 35 ka wayn in uu qaato xirfadaan qofkii ka yarna uu wax barasho toos ah aado sida dugsi hoose ilaa sare illaa jaamacad.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. rashka says:

    Aden sxb dugsi hoose wey fududahay in la dhigto laakin sxb qofka dugsi sare rabo waa in uu qataa lacag deyn ah,taas oo ribo ah!!! marka waa arin adag sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. sucaad says:

    mansha allah ilahay haku guuleeyo jimcaalae lkn su aal maxad usoo gudbin wayday mudaharadkii ka dhacay Göteborg ee loogasoo horjeeday cayda nabigeena CSW

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Xamaada says:

    Salaam
    Rashka…sxb waxaan rabey in aan warkaaga wax yar ka dhaho, qasab ma ahan in aad deen qaadatid, iskaga guur guriga weyn, asxaabtaada la dag, ama shaqo saacado yar ah raadso, yaan laguugu sheekeynin ma soconeyso, wax walbo waa la tijaabiyaa..

    Salaam

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. abdi says:

    Sucad walal aa kuu saxo waa SCW maa ahan CSW.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. nuur cabdi says:

    waa fursad qaali ah ee somalidu ha kaafidesato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. cabdi casiis says:

    xasan jaban cabaar waa xariiftantay kaamirada yaah kkkkkkkkkkkk salaaman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. duceysane says:

    Asc dhamaan soomaali meel walbay joogto waa wax lagu farxo in aan xirfad yeelano qof aan xirfad lahayna wadankan kuma noolaan karo soomaalida dhul nadiifin kaliya ayey xirfad ka dhigteen lakiin waa loo baahan yahay in aqoontu ay korroto qofwalbana wuu baran karaa yaan la cabsan hala dadaalo asaageen wax bay aqristaan way dadaalaan anga aqrinti ayaa nagu yar oo niyadaaba waxaa nooga jira soomaali aqoon maleh yaa noo diiday anagay nagu xiran tahay dadki wadan yimid 20sano ka hor ma aamin sana in wax la barto kuwaasaan dib noo dhigay oo noogu wacan iyagaaba ku leh lama baran karo luuqadaan maxaa ku waalaaya iska fadhi sfi dadka hdad yimidna markay dadaal rabaan waa lala yabaa oo waxaa la leeyahay war sug dadki 20 sano joogayba wax ma qaban adi see ku qabanee marka niyda yaan nalaka dilin aan ilowno waxaas waxbarashaa horumar lagu gaaraa waxbarta aan barwaaqo gaarnee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. rac faan says:

    asc shekadi dawaco ayaa katagan dadka iyo dadka mar marka qar waxaa is waydin ubaahan dadka somalia waxeey ku mah mahan nimad dhashay kuma dhalin iyo intaan uqabo ima qabow dhurwayga galbeed kaso carar iyo wax yaabo badan o tilmamayo casi nimada ubadka somaliya eey qorkod ey kudha sheen xasid nimadaas intaas la eeg o heer kaas gar sisan wax is weydiyay majiran?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. miski says:

    TO, ABDI WALAAL MAXAA KAA QALDAN WAA SAX SIDA AY SUCAAD U QORTEY CSW OO MECNEHEEDU YAHAY CALEYHI SALAATU WASALAAM, TAADANA WAA SCW MACNAHEEDU SALAWAATULAAHI CALEYHI WASALIM,HADAAN QALDANAHAY ISOO SAXA MAHADSAIDIIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. miski says:

    ANIGA MEESHAAN MALIN DHAW BAAN IS QOREY WAXAAN DALBADANA WAAN GARAN WAAYEY MAADAAMA AAN ISKUUL SOO DHIGTEY BES MARKA WALAAL IGU CAAWIYA MAXAAN DALBADAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. ayaan basey says:

    Asc jumaace iyo kuwa ku xiran shabakada somaliska.com waxaa iga suaal ah waayo hadaan nahay dumarka soomaali oo sverige kunool aan u dalbanaa xirfadahaan keliaya Undersköterska iyo Omvårdnad mooyeee, ibland markuu maclinka suaal ku saabsan framtidka xirfada aan dooneyno dumarkeena oo idil waa isku hal fikrad oo ah Undersköterska iyo Omvårdnad, aniga waxaa ila haboon inaan xirfado kala duwan inaan kala doorano hadaan nahay dumarka somaali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. hiba says:

    asxaabeeeeeeeeeeey dhaamaan waad salaaman tihiin meelkastaad jooogtaan waxaan ka xumahay dad intaya tageen wadan dibadeed oo dalka markayku soo noqdaana wax kale iska dhiga asxaabeey masidanaad qurbaha kuqabtaan anigu dalka hooyaan joogaa kufaraxsanahay kashaqaystaa waxkadhigtaa laga yaabee inaan idinka waxbarasho wanaagsaando qaarkiin waxaanku fikiri jirey jaamacado bay dhhigtaane mahadaaadka shaqayseen swedishka dukaamadoodii iyo bakhaaradoodii kkkkkkkkkkkkkkkkkkk sidooo kale wasaqda dadka waa weyn ee qarmuun wlhi kkkkkkkkkkkk aad baan uga xumahay waxa idin haysta sxbyaaaaaaaaal anaka markaad noo timaadaana muraayado madmadow baad noosoo xirataane waa idinkaasi laydin baray iminka inaydaaan waxba ahayn badankiiiiin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk iska mayda wasaqda gaalada khair baan idin rejeynayaa.dalka hooyo waxka macaani majiraaaaaaaaaan baan idin leeyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0