Xisbiga bidixda oo mooshin hordhigay baarlamaanka

Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) ayaa mooshin cusub hordhigay baarlamaanka Sweden. Mooshinka ayaa ku saabsan in wax laga badalo siyaasada ku aadan mideynta qoysaska.

Mooshinka oo ay si wada jir ah u soo diyaareen 6 xubnood oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ugu jira xisbiga Vänsterpartiet ayay ku dalbadeen in wax laga badalo xaalada midaynta qoysaska, iyagoo sheegay in go’aankii maxkamada ee lagu go’aamiyay in DNA laga qaado dadka uusan ku filnayn baahida jirta.

Mooshinka ayaa lagu faahfaahiyay xaaladu siday ku bilaabatay iyo halka ay hada marayso. Xubnaha mooshinka soo qoray ayaa cadeeyay in dowladu ay arinta daah iska saartay oo dadka caruurta ay dhaleen keliya loo keenayo balse laga tagay dad badan oo ay ku jiraan kuwa caruurta aan lahayn, caruurta la soo korsaday, kuwa 18 sano gaaray. Xitaa waxay sheegeen in dadka caruurta leh xitaa qaarkood go’aamo kala duwan laga gaaray oo maxkamadaha socdaalku aysan arinta isku mid ka ahayn.

Mooshinka ayay ku dalbadeen in baarlamaanku sameeyo isbedel guud oo quseeya dhamaan arimahaan, waxay kale oo intaas ku dareen dalab ku aadan in dadka aan ahayn Geneva laga bixiyo lacagta tikirka. Sida hada xaaladu tahay ayaa Laanta Socdaalka waxay lacagta tikitka ka bixinaysaa dadka Geneva haysta oo keliya.

Mooshinka ayaa baarlamaanka loo gudbiyay 20 September iyadoo aan wali la shaacin xiliga laga doodi doono arintaan. Xisbiga Vänsterpartiet ayaa waxa uu ka midyahay xisbiyada aadka ugu dooda arimaha soo galootiga balse nasiib daro waxa uu ka midyahay xisbiyada ugu codka yar Baarlamaanka, isla markaana aan ku jirin xulufada hogaamisa dowlada Sweden.

Sidaa darteed ayay macquul tahay in mooshinkaan uu ku dhamaado diidmo. Ma ahan markii ugu horaysay ee mooshin nuucaan ah ay xisbiga Vänsterpatiet soo hordhigaan baarlamaanka, balse kuwii hore waa laga adkaaday.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

35 Responses

  1. bashir says:

    waxaan salamaya umada somaliyed melkasto ee joogan qasatan jimcale sxb waxaan ku wedinayaa sxb shekada dublin miyaad ii soo bandhigi nwarkaa halka ee maroooso sxb waxaan maqlay inla cafiye ee warkaas sax miyaa mase waa wax somalida lee iska wadato sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. faysa aadam says:

    walal wad ku mahsadsan tahay sida hagar alaan ta ah ee wax noogu wado waxanan ku waydiiyay walal dad ka ciyaalka lagu qaadayo ee da ahaana ka wayn 18 ka maq d n a gu ma so saarayaa in ay daa ahaan ka wayn yihiin tan lagu soo qaadayo ta kale gabdhi ciyaalka isu dhiibtay ee u xeraysay hadii ay gaadho 18 kii wax dhiba ma ku keeay saa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Nasteexo says:

    Jimcale walal iga jawab su,ashan, madaama tiri dadka is dhalay xitaa DNA laku cadeynayo isku mid aheyn, aniga 2 sano kahor ayaan afrika aaday waan soo guursaday ilmo ayan uhayaa 2 caruur ah dacwadne wan bilabay waxena ileyihin sug wan kusotureynaa DNA hanlegarkeyga.wax sameyn ah maan kuyelanayaa madaamo aan go,aankii kahoreyey maxkamada kufureysay dacwada fadlan isoo jawab waa imuhiim jawabtada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Anwesha says:

      Its really good thing to know that Taiwan is tiryng to improvise the use of electricity in their stadium. Solar Powered building like a stadium consuming mega Watt of electricity which contributes a lot in global warming. This stadium is really one of the best solution to lessen the green house effect in our atmosphere.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. F.M says:

    Waa mooshin fiican, dhibka jira markii dadka Soomaaliyeed ay DNA isku cadeeyeena istiöaabta casna waxay tiri lacag isku dhiib dhiib camal runtii.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. F.M says:

    Waa mooshin fiican, dhibka jira markii dadka Soomaaliyeed ay DNA isku cadeeyeena istilaabta casna waxay tiri lacag waa dhamaatey, isku dhiib dhiib camal runtii.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. deeqo says:

    asc walal waan kusalamay jimcale salan kadib walal waxan rabay inaad iga jawaabto mudo 2sano ah ka hor ayan wadankii kasoo guursaday kadib ilmo ayaa ii dhashay markii horana iima qornayn wax ilmo ah taasi xageen wax kanilabayaa hadii aan rabo in aan wax u xareeyo mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. xerow says:

    sxb jimcale arimaha dublen war bixin hadi ad noga heyso bal noso gudbi mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. dhiig kaliya mahin says:

    waxaan ahay hooyo somaliyeed ku nool sweden waxaan dalbaday wiil iyo gabar aan dhalay waxeey iga qadeen dheecanka DNA wanan is yeelanay caruurtaydi waxay i dhaheen interviewgaaga aa qaladi waxeena i siiyen diidmo, hadii ee jirto cid ila mida fadlan ii shega

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Nasteexo says:

    FADLAN JIMCALE MAAD IIGA JAWABTID SU,ASHEYDA WALAL, MASE WEE KUGU ADAGTAHAY. PLZ HADI WAX IKU DHANTO ISO SHEEK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. cali says:

    sxb jimacaale waxaan maqlay in dublen italy laga saaray warkaas ayaa suuqa kusoo batay wax aqbaar ah maka haaysaa arinkaas? ado mahadsan jawaaaaaaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Jimcale says:

    Nasteexo su’aashaada si fiican uma fahmin balse xiliga aad dacwada bilowday wax saamayn ah ma leh. Haddii horey dhowr diidmo laguu siiyay oo lagu dhahay ha nagu soo noqon, waxaad samaysaa in aad dacwo cusub furto. Haddii kale in aad sugto ayaa haboon. Dadka muhiimada ayay kala siinayaan oo dadka caruurtooda 18 sano ku dhowdahay iyo caruurta aan waalidkood la socon ayaa muhiimada iska leh.

    Waan xumahay iga raali noqdo waqtiga ayaa igu yar oo su’aalaha dhan kama jawaabi karo. waxaan jeclahay in aad is caawisaan oo qofkii dadka wax ku dhaama uu su’aalaha uga jawaabo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. ayaan basey says:

    asc
    walaal jimcale iyo inta ku xiray somaliska waan idin samaya
    walaal jimcale waxaan rabaa in aan ku weydiyo su’aal aad ugu wareeray oo aan ka helay imegrationka walaal aniga waxaan kaso tagay hal canug iyo ninkeyga imegretionka wuxu iga siisay ninka nagativ sawabtane wuxu ka dhigaya adiga iyo ninkada ma isla noleynin 2 sano waayo aniga iyo ninkeyga waxaan wada noleen hal sano iyo bar ka dibne waxaan kasoo aaday swedan. walaal arintaan maxaad ka og tahay iyo inta wax ka og waxaan ka codsanaa inay iga soo jawaban runtii waa arin aan aad ugu qalbi jabay ee maxaad ka og tahay walaal arintani jimcale iyo intii ogba arinta iga soo jawaaba walaal yaal xalkeyga waan idin salamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. CABDULLAHI says:

    ASC WAAN IDIN SALAMAY IQAARTA SHARAFTA WALAAL JIMCALE WAXAN RABAY INAAD IGA JAWABTO CARUURDAYDA IYO ANIGUBA WAAN MARNAY DNA KA MARKA ILA IMISA BILOOD AYEY QADAN KARTA JAWBTO MIDA KALE DHOWR DIIDMO AYEY SIYEN SAMIN MA IGU YELAAN KARTA SXB IGA JAHIL BIX MAHDSANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. cabdi says:

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. fatima says:

    ayaan walaal ninka cunuga ma isagaa dhalay ? haduusan dhalin waxuu ka mid yahay dadka singalka ee hada xalkooda la sugaaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ayaan basey says:

    asc walaal fatima ninka asiga ayaa dhalay aniga iyo asiga ayaba hooyo iyo aabe u ah hataa DNA waan maray aniga halkan waan ka maran ninkeygane wuu maray
    waxay megrationka lee yihiin 2 sano wax ka yar ayaad isla jogteen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. wadani says:

    asc ku socota nastexo abayo waxan isku daya in an ka jawaba jawabtada inta ow ilah iga garansiyy abayo waxan ku waydina waxa tire nin ayan so gursaday san daremaya ilmana u haya micna hadi ad marka swedhan imanesay ninkaga is qabten waqti dher rajadada waa fican tahay lkn hadi ad inta dhoftay so gursatay qodob aya ku qabanaya lkn insha alh wala badali dona lkn hada waa sas igana rali naqa hadi adan rabin in an ku jawabo aniga ronan aye iga tahay iyo wall nimo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. wadani says:

    waa mida ayan shegeso qodobkas aya jira hadi ad ilma isu dhashen o marka swedhan imanesay wax yar iq qabten qodobkas aya qabanaya waa didayan lkn wexey leyihin waa in ad isla noleden o isqabten wax badan hadi ad dhoftay o so gursatay warmalahan ilma isu dhala hada rabtin lkn waa sharcigey dagsaden mahine ti ala maha insha alah qofki irsaqadeda ka qoran yahay waa imane alana ka weyn sharcigey dagsaden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. fatima says:

    WADANI ANIGA MA MAQALIN ARINTAAS SHARCIGAAS GOORMUU SOO BAXAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Hirsi says:

    Naagta Nasteexo la leeyahay Africka kasoo guursaday kuteeh naa miyaanay ahayn africka dalkaagii maxaad sidaa ugu hadlaysaa dalkan ma lihid Refugee xun oo Tahrib ama rafaad kusoo gashay ayaad tahay rag ayaan iska leh Europe adigu waa Africa waliba Somalia Reer guuraabaanad agtooda waligaa ka ahaanaysaa meeshan, u hadal sida inanta deeqa la yidhaahdo Bravo deeqa wadankeenu waxuu ku yaalaa Africka Halkan waxaynu ku nahay REFUGEE Qaxoonti.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. layaab says:

    WAAR JIMCAALOW SXB DADKA BEENTA KA DAA, QOFKA CAQLIGA LEH WAXBA KAA rUMAYSAN MAAYO WAAYO SHARCIGAN AAD SHEEGAYSO EE AAD LEEDAHAY QOFKU WAA INUU LABA SANO AY XAAS SOO AHAADAAN INTAANAY EUROPE SOO GALIN SXB SHINBIRUHU KUMA SHEEGKEEYAAN WAXAAX BECOUSE DAD IS QABA CARUURNA ISU DHALAY XAG ILAAHAY MOOYEE WAX CELIN KARA ma jiro qof walbaana bariiskiisa halkuu ka qoran yahay ayuu joogayaa, teeda kale warkan halkaad ka keentay noo sheegbal maan malin waanan kula joogaa, dadkuna haduu website qof wax kusoo qoro qoro waxay u haystaan in uu dawldaba isagu haysto anaa qof cadana oo Migrationka ka shaqeeya waydiiyay mana jirto, KU BUSHAARAYSTA WAXBA KAMA JIRAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Abdirahman says:

    AYAAN BASAY WALAL WAXAAN KU WAYDIINAA MARKAAD IMAANAYSAY UUR MIYAA LAHAYD MISE MAKUU FAAH FAHIYEEN SABABTA OO BUUXDA TANKALE MEEL AY KU QORANTAHAY SHURUUDAAS MA ARAG QOF SHEEGAAYONA MA ARAG MARKA BAL SAY EHEED MARKAAD IMAANAYSAY…..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. wadani says:

    asc asxabey sharudas ma ahan wax ayan le ku eg ee waa sharuud dadbadan lagu fuliyy wana aragnay abdirahmann aniga dhor qof sas ah arkay wall

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ahmed says:

    saaxiib JIMCAALOW war ma u haysaa. gabadh ayaa uur ii leh waxayna ku nooshahay SWEDEN markaas waxaan xaraystay form markaan wada joognay sidaa awgeed waxaan arkayaa shuruudan aad halkan ku faah faahisay, waxaan markaa sxb macaane ku waydiin lahaa mar hadii aan dhoofkeeda ka danbeeyay iminkana uur ay ii leedahay xalka ugu dhow ii sheeg ee ay wax ku suuro galayaan, hadii aad cabiri karto weeyaan sxb igusoo caawi arinkaas siduu doono ha ahaadee inaan wax kaa faaiidaysto ayaan rabaa ok mahadasanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. ahmed says:

    jimcaalow iyo dadkii suaashaydan ka jawaabi karayaa JAWAAB AYAAN IDINKA SUGAYAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. wadani says:

    asc wall ahmed hadi ad safarkeda ka dib ahed waa arin hada culus hade ku dhasha xata lkn insha alah waa furmi donta inssha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. deqa says:

    somaliyey hadiba ilah idinkasooqado ciyalka inay didn ogaladan tikid ma qaymoleh wad bixinkartane ilahay talasarsada cayr hayskadhigina aaway iimanki somalida iyo dhaqalihi laguyiqin subxanka anigu waxanqaba tigid inan dawlada lagu dhibin dhexda looxirto ilahayna wa idinku guulayn insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. ahmed says:

    waad mahadsanatahay Jimcaale. khayr ayay noqon doontaa insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Muna says:

    asc jimcale iyo dhamaan umada somaliyeed waxaan qabaa suaal ikasoo jawaaba hadii ad wax iku dhaan taan waxaan udacwooday wiilyar an dhalay iyo ninkeyka oo an asika dhalin ilmahayar ninkeykii waxaa leyka siiyay 3 diidmo laakiin wiilka waxaan maray DNA ka waxaana leysiiyay ogolaan shihiisa laakiin ninkeyka waxaan isasoo guursanay markey isoo qadayeen yuenta Yaman 3maalmood kahor oo waxaan ula jeedaa anakoo isqabna 3maalmood ayaan imid swedan markaas ma iqabanayaa qodobka, fadlan ika soo jawaaba dadka ila mid ah waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. farhiya says:

    asc dhamaan qoobka ay ka hadashay ayaan basay runtii dad badan ayow walwal galiyay oo aan ka mid ahay warkaas yaa aad xogtiisa uhaayo runtii waxan codsanaain aan war walbo oo dadka ka nixihaayo aan lagu soo qorin meesha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. muhamed cade says:

    waa sax yaa ka warhaayo aniga xitaa waan is way diiyay qodobkay ka hadashay ayaan basay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. ayaan basey says:

    asc fariya iyo muhamed cade waan idin salamay walaal yaal ma aanan kuso qorin hadalka in aan dadka kaga nixiyo ee waa wax jiro oo dad badan qabtay aniga ila mid ah runtii swedan waxay go’amisay labada qof is qabto waa inay isla wada noladan 2 sano iyo wixi ka badan ka dib waa in uu qofka soo dhafaa hadii aad is qabteen 2 sano wax ka yar T.EX sanad iyo 11 bil hataa way diidayaan waxay ku lee yihiin caruurta keliya ayaa xaq leh ninka ama xaaska xaq uma lahan inay helaan deganaasho runtii arintaan bal siifacan u gudi gala ee dalko dhan haday u wada siman tahay hataa waxaad weydiin kartaa megritionka qofka rabo…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. mohamed cade says:

    ok raali noqo ayaan lkn waxaa fcn in aan isku sheegno macluumaadka jiri marwalbo xal maxay ku dhaheen adiga tankale haddii laba ay dhaafto inta aan is qabno xaaskayga lkn sanad iyo bar kaliya aan somaliya horay ugu noolayn maxay leeyihiin ,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. wadani says:

    asc wan idin salamay asxabey 2 sana maha is qabib le waa sidi tan saan u fahmay aniga dad badan o igu xafad ahna la so yire waa in aad isla noleden adiga iyo xaaskaga amaba ninkaaga in ka badan 2 sano micnaha ugu yaraan 2 sano marki ad swedhan imanesay ka hor madalan hadi ad marka iswedhan imaneay ad is qabtey 1 sano iyo bar lkn aad iswedhan jogta 2 sano micnaheda waa 3 sano iyo bar aya is qabtan xaskaga ama ninkaga waa ku qabana sharciga wayo waxay firinayan o kaliya inta adan iman imisa ayaa isla noleden insha alah lkn waxan ilah ka barya in u no saqira wixi qer qabana nagu adiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0