Xisbiga dhexe (Centerpartiet) oo hogaan cusub doortay

Xisbiga dhexe ee ka tirsan xulufada maamusha Sweden ayaa doortay hogaan cusub ka dib markii ay iscasishay haweeneydii hogaamin jirtay ee ah wasiirka ganacsiga Maud Olofsson. Xisbiga Centerpartiet ayaa u doortay hogaanka xisbiga in ay noqoto haweeney lagu magacaabo Annie Lööf oo 28 sano jir ah.

Annie ayaa noqoneysa qofkii ugu da’da yaraa ee hogaamiya xisbigaas. Waxay kale oo noqon doonta wasiirka ugu da’da yar golaha wasiirada Sweden balse wax waayo aragnimo siyaasadeed ma leh gabadhaan.

Balse gabadhaan ayaa waxay taageero weyn ku leedahay xubnaha xisbiga iyada oo sheegtay in ay xisbiga ku celin doonto bilowgiisii.

Xisbiga Centerpartiet ayaa ah xisbi ay siyaasadiisa tahay bartamaha oo taageersan soo galootiga. Waxaa la aasaasay sanadkii 1913 iyaga oo xiligaas lagu magacaabi jiray Bondeförbundet ama midowga beeraleyda. Xisbiga ayaa magaciisa badalay 1957. Waxaa golaha baarlaanka (Riksdagen) ugu jira 23 xildhibaan oo u dhiganta 6.56%.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. mohamed aweys mohamed says:

    ascn dhamaan qaasatan baahda somliska
    salaan kadib waa arin fiicna in xisbiga uu doorto gabadh dhalin yaro ah
    unkstoo siyaadada ku ficneen hadana hadii ee dhax gsho wey baran doontaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Ahmed says:

    She is cruzy lyd because she don.t know nothing about political lolz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0