Xisbiga-dhexe (Centerpartiet) oo ku baaqay in xuduudaha loo furo soogalootiga

Xisbiga centerpartiet oo ka mid ah isbahaysiga  talada haya ayaa qorshe siyaasadeed cusub ku soo bandhigay in uu doonayo in Sweden ay xaduudaheeda u furto dadka soogaalotiga ah si loo xaliyo shaqaale la’aanta ka taagan shaqooyinka qaar.

Per Ankersjö oo masuul ka ah hormarinta siyaasada cusub ee xisbiga ayaa yiri ”qof kasta oo doonaya  in uu halkaan yimaado si uu mustaqbalkiisa halkaan oga samaysto,  waa in uu si fudud taasi u heli karo”. Johan Hedin oo arimaha socdaalka in uu ka hadlo u qaabilsan  xisbiga  Centerpartiet ayaa asna dhankiisa yiri, “Sweden dadku kuma badna, runtiina waxaan u baahanahay dib u habayn, gaar ahaan suuqa shaqada si dad halkaan u yimaadaan ayuu ku yiri wakaalada wararka Sweden, TT. Johan Hedin ayaa intaasi ku daray in sida kali ah oo xal loogu heli karo shaqaale la’aanta ay tahay in dal-ku-galkaba la joojiyo.

Hadalka Centerpartiet  ayaa  ku soo beegmay xili maalmahan warbaahinta Sweden ay tabisay in Sweden ay ku soo beegantahay shaqaale la’aan .  Hindisehaani tageero badan kama hasto isbahaysaga xisbigaani ka tirsanyahay oo hada haya talada Sweden.  “ Aniga iyo xisbigayguba ma taageersanin fakarkaan mana arko baahi loo qabo in sharciga laga dhigo mid sidaas u fur-furan intii uu fur-furnaan karay waa fur-furanyahay,” sidaasi waxaa yiri wasiirka socdaalk, Tobias Billström oo ka mid ah xisbiga Moderate-ka oo ah xisbiga ugu weyn isbahaysiga talada haya.

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Ali xaq sheeg says:

    Asc dhamaan dadka aqrista beenta somaliska nimankaan beentoodi been waa dhaaftay hadane shaqaale la,aan yaa Sweden ka jirto ayey keeneen qumayo idin ruugtay beenbadanaa dadkaan subax. Walbo xafiisyada taagan ayaa shaqo loo la yahay braktik lugu cabaa dadka beenta. Ka daayaaaa been ayaad u furateen iyo somalida inaad marin habaabisaaan dulli……,,,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 4

  2. amina says:

    kklkkkkkkkkkkkkkkkkl allow been nagadhuwr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. amin mahamed says:

    saxibayallow .siyassad cusub waaye ,la socdaa .kartocusub
    oo lagu babinayo arimaha qoysaskaa somalidaa .
    markaa .waa lays qabiyey

    xisbikan barmijkan ayaa lodhibay

    kuwa kale sharci adag ayaa kumaqanyihiin

    waa kartadaa yuhud .
    gurmadalle .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. Walaalaha Sweden says:

    Asc dhamaan dadka aqristayaashu waxaan idin leeyahay waa run arintaan uu ka dhabaajieyey walalkeyna Saciid cabdi cusmaan,.. waayo sverige waxay dooneysaa shaqaalo aad u badan sanadka noogu soo food haayo 2013 runtii aniga waxaan ka shaqeyaa laba meelood teeda kale aadbaan ula socoddaa arimaha Suuqa shaqada mida kale maalmahaan Reklamka ayaan ku arkaa ledig Jobb oo aad u farabadan taasina waxey na tuseysaa inaya shaqaalo la’aan ay kajirto Sverige ayna doonayaan inay dalka dibadiisa ka doontaan shaqaalooyin marka halesku diyaariyo shaqo walba….
    Tack och hej!

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. Jamaal says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  6. ayaan calisow says:

    Asc dhamaan somalida ku xiran webkaan somaliska.com,
    waxaan idin leeyahay waa qeer iyo barwaaqo inoo dhalatey waana arin aad iyo aad noo faraxad gelisay. Maanta ayaa macalimadeydana Sfiga ayaa inoo sheegtay marka waxaan leeyahay waa arin sax ah. oo lagu sugaayey.sweden marka waxaan dhahaa shaqaalo dibada haka doona nina anaga ayaa diyaar u ah shaqo kasta…. lycka till

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. Gabadh Sool says:

    Ali Xaq kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waan qoslay runtii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Mubarek says:

    Aduunyada nin noolow maxaa aragti ku laaban ma sweden ayaa manta leh shaaqale laaan ayaa nahaysa warkas ayaan i marayn balse laga yaaba inay rajaynayaan sida somalia dowlo u rajaynayso ilaahay khayr ha ka dhigo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. cali says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk 3bill ayaan shaqa raadinooya meelkasto uu qeeyf imaadane waan tagaa aniga iska daaye dadka kale xataa lama qaato,,,, beentaan somaliska ma ahan waa been aay aay wataan xafiisyada shaqada,,,,, waxaa kaaaga daran maalinwablo waxa aay dhahaan shaqaala la aan aya nahayso hadane shaqaale maqaatan kkkkkkkkkk haleys daaliya lee meshaan lagu haya kkkk waan kuso qaldanay aniga january hadii aan sidaan u shaqa la aado sweden waxaan leyahay bye kkkkk waxaan qabanaa aduunka laga shaqeysto sida
    america

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. Huda Ringby says:

    Asc, somali sidaad u dhantihiin wiil iyo gabar waxaan idin sheegayaa waxii dhab ah aan leexasho ku jirin waayo aniga wadankaan sverige waxaan ku noolahaya 22 sano waxaan ahay qof shaqeeso heltid. marka waxaan filaa inaad ku qanacdaan hadalkaan oo sverige kasoo yeedhay waayo waa wax run ah, hadaan somali nahay aan isku diyaarino suuqa shaqada, teeda kale cidii ceydh dooneyso guryahooda ha joogaan, bye

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  11. Cabdullahi says:

    Hadalkaan xisbigu in uu yiri waa run oo warbaahinta oo dhan baa sheegaysa laakiin in shaqaale la’aan jirto taas calaamo su’aal baa saaran, laakiin way dhici kartaa in ay jirto laakiin aan soomaalida la rabin waayo in badan oo ka mid ah ma buuxin karaa shuraadaha shirgaduhu ku xirayahaan shaqaalahooda ama waxayba wataan cv tacbaan ah.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. alla amin says:

    Xisbiga centerpartiet ee qeybta ka ah asxaabta heysa talada dalka Iswiidhan ayaa ku sheegay qorshe siyaasadeedkiisa cusub in xisbiga uu doonayo in Iswiidhan ay xaduudaheeda u furto dadka soogaalotiga si loo xaliyo shaqaalo la’aanta ka jirta shaqooyinka qaarkood balse sharuuda ay tahay in dadka cusub ee soogalootiga ah ay ku shaqeeyaan mushahar hooseeya, sida uu sheegay madaxa barnaamijka siyaasada ee xisbigaasi Per Ankersjö.

    – Waa aragtida mustaqbalka ee xisbiga centerpartiet ee Iswiidhan taasi oo ah in aynu yeelano hanaan socdaal oo xor ah oo soogalootiga ku imaan karo dalka. Hindisahan waa mid aan si wanaagsan u fahansanahay goorta laga hadlayo sida aan dooneyno in aan u aragno suuq shaqo oo u oggolaanaya dadka oo dhan shaqada ay doonayaan in ay qabtaan iyo hanaan mushahar oo xor ah iyo sharciga la bedelo tusaale ahaan, ayuu yiri Ankersjö mar uu ka hadlayay qorshaha cusub ee uu wado xisbigiisa.

    Ankersjö ayaa mar uu la hadlay wargeyska Aftonbladet waxa uu u sheegay in hanaanka deeqsiga ah ee soo galootiga in ay tahay in lagu lamaaneeyo siyaasad cusub oo suuqa shaqada ah taasi oo uu ula jeedo in hoos loo dhigo mushaharka lagu shaqeeyo.

    – Dhabaha kale ee la dooran karo ee bedeli karo hidnisaha aan wadno ayaa ah in qofka soogalootiga uu noqdo mid ku noolaado dhul lagu cadaadinaayo, ama in in isaga oo jooga Iswiidhan uu ku noolaado nolol faqri ah oo hooseeysa ama mid go’doon ah, ayuu yiri Per Ankersjö mar uu ka sii hadlay qorshaha cusub ee xisbigiisa ka damacsanyahay siyaasada soogaalotiga ee dalka.

    Andreas Johansson Heinö, oo macallin culuunta siyaasada ka dhiga jaamacadda magaaladda Göteborg oo la hadlay wakaaladda wararka ee Ekot ayaa sheegay in hindisaha xisbiga centerpartiet oo la jaan qaadayo isbedel xagga siyaasadda ah oo uu sammeeyay xisbiga sanadihii ugu dambeeyay.

    – Waa arrin lagu yaqaan xisbiga center-ka in uu qaato siyaasad dabacsan marka laga hadlayo arrimaha soogalootiga hase yeeshee waxay ila tahay in ay adag tahay in larko arrinka isaga oo xaqiiqooba waayo arrimaha qaar ma gaaran meelo fog, ayuu yiri Andreas Johansson Heinö, caalimka culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacdda Göteborgs universitet. warkan waxaan ka sooo copy gareeyay radio seden soomalia ooo aaad ka heli kartaaaan wararka xaqiiiqda ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. filsan says:

    walaalayaal arintii dadkii 2sano aan wadankii kuwada noolayna wax war ah yaa ka ahya yaa se loo soojawabay fadlan cidii wax ka og arintaas ha isoo sheegto mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  14. Aabe soomaliyed says:

    Asc dhamaan umada soomaliyeed
    Jimcaale iyo saciid kulankii migrationsverket iyo Lena Rösell warkisa halkuu ku dabeyay mise sheko bug ah ayuu ahaay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  15. Sihaam says:

    Sheeko bug ah ayuu ahaa su aalaha aad qabtaan soo gudbiya kaliya wuxuu arkayay calaacalkeena . waan ka xumahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. cali dheere says:

    slcaleekum

    waxaan layaabay dadkan swidhsha ah sidee u shaqeeyaan gadaal gadaal miyeey ushaqayaan war kuwii joogay loo diiday inay shaqeeyaan oo lahortaagan yahay maantana maxay keeneen shaqaale laan baa jirta waa cajiib midakale doowlada diyaar umaha in ajnibigu wadan kaan ka shaqeeyaan hadii dowladu doonayso dadkan inay shaqeeyaan bil kuma qaadanayso marka waxaan idin dhihi lahaa riyada haliska daayo wadankan dadka qaxootiga ah asxaan kuma hayaan lacag bay ku qaataan eetaa ogaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. bashka says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, waan ka xumahay calaacalka badani dhib buu leeyahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. geele says:

    Marka hore waxaan dhamaantood salaamayaa walaalaha soomaaliyeed ee muslimiinta ah
    intaas kadib waxay ila tahay Sverige hadalkaas ka soo yeedhay waa mid layaab leh waayo dadkii hore wadanka u joogay oo badankoodu iswiidhish yahay ayaa shaqo la aan u dhimanaya oo kuwii shaqada haystay ayaa maalin walba intaas oo kun shaqadoodii waayayaan oo shirkadihii waa waynaa ayaa todobaadwalba qaar khasaarayaan oo shaqaale dhimid samaynayaan ama ay daaqadaba kabaxayaan markaa waxay keliya oo arintaasi caqli gal ku noqon kartaa hadii Sverige leedahay dadka wadanka jooga ee shaqo la aantu dilatay maaha kuwo khibrad lehe oo ka soo bixi kara shaqooyinka banaan lakiin waxaanu u baahanahay shaqaale khibrad leh inaanu debeda ka keensano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. mascuud says:

    asc dhamaan somaliska waa hoygaa beenta iyo borabogan dada somalida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0