Xisbiga garabka midig oo ku guuleystay doorashada Norway

Xulufo ay ku mideysan yihiin xisbiyada garabka midig ayaa ku guuleysatay doorashada Norway. Iyadoo raysal wasaaraha taladaHoyre haya looga adkaaday doorashada. Haweenayda lagu magacaabo Erna Solberg oo hogaamisa xisbiga lagu magacaabo Høyre ayaa la filayaa in ay noqoto Raysal wasaaraha cusub ee Norway.

Xisbiyada garabka midig oo ay ku mideysanyihiin xisbiga Høyre iyo xisbiga cunsuriga ah ee lagu magacaabo Fremskrittspartiet iyo dhowr xisbi oo yaryar ayaa guud ahaan helay 95 xubnood baarlamaanka Norway. Halka xisbiyada kale ee bidixda oo uu ugu weynyahay xisbiga Arbeiderpartiet ay heleen 72 xubnood.

Xisbiga Høyre ayaa balan qaaday in ay adkaynayaan arimaha la xiriira soo galootiga, iyagoo hoosta ku wata xisbiga cunsuriga ah ee Fremskrittspartiet  kaasoo u dhigma xisbiga SD ee ka dhisan Sweden. Xisbiga cunsuriga ah ayaa helay guud haaan 29 xubnood taasoo ka dhigaysa xisbiga sadexaad ee ugu weyn Norway.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Høyre ayaan haysan aqlabiyad dhamaystiran sidaa darteed waxay ku qasban yihiin in ay heshiis la galaan ugu yaraan 3 xisbi. Iyadoo xisbiga cunsuriga ah la filayo in uu qeyb ka noqdo heshiiska noocaas ah ayaa xisbiyada kale ee yaryar ay diidan yihiin in ay wada shaqayn la yeeshaan cunsuriyiinta haddii aysan badalin aragtidooda ku aadan soo galootiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. maryan says:

    salan saree dhaman aqyarta salan qaliya kadib waxan i diin weeydiyay dadkii labada sano xagay ku daabeyan iyo wax war ka hayaa ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. salmaan yare says:

    waan idiin salamay waxan donaya qof warka haayo arinkii singalka thnks all

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. F.M says:

    Waxaa ka dhacday dhibaato weyn allaa idiin maqan soogalootiga reer Norge ee Soomaaliduna ku jirto alle ha idin garab mariyo dhibaatada cunsuriyiinta iyo kuwa jaalka la ah. Ra,iisul wasaarihii hore ee Norge taxigii aad tjaabisay iska wado dheh haddii laga adkaaday waxba dadka uma hayside kkk.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Casha says:

    Norwey qaxootiga dagan allah ayaa u maqan. Arimihii 2 sano beryahaan warkeeda lama hayo. miyeey dadkii niyad jabeeyn mise jawigii hore wax miyaa iska bedalay warkiina hala maqlo somaaliyeey. Aniga waxaan is maqalnay dhoor qufoo 2 sano ahaa balsi hada dhiigi laga qaaday . allah kheer keeno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1