Xisbiga KD oo ahmiyada siinaya mideynta reeraha Somalida

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa muhiimada ugu weyn siinaya sidii loo mideynta lahaa reeraha Soomaalida. Emma Henriksson oo u qaabilsan xisbiga arimaha Socdaalka ayaa sheegtay in markii ay timaado arimaha Socdaalka ay mideynta reeraha Soomaalida tahay ahmiyada ugu sareysa oo ay wadahal kula jiraan cidkasta oo ay quseyso. Sida Laanta Socdaalka iyo xisbiyada kale ee ku jira xulufada dowlada.

Emma ayaa intaas ku dartay in ay jeclaan lahayd in ay balan qaado xal degdeg ah balse aysan taas sameyn karin.

Xisbiga KristDemokraterna ayaa ka mid ah xulufada ku midowday dowlada, iyagoo dhowr jeer oo hore ku celceliyay muhiimada ay leedahay mideynta reeraha. Maadaama lagu jiro xiliyadii fasaxa ayaysan u badneyn in beryahaan uu war la taaban karo ka soo baxo arimahaan, ilaa la gaaro xiliga dayrta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. Nuradin says:

    Hadane shekada sidas miya fadlan waxan o kale hanugo soqorina o benta ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. samira says:

    Asc dhamaantina Alle hanoga soo qado xaqeyna ille wax kale lagama rabe oo ana eheyn xaqeyn bilashey marba meel nogu dhigayaan hadey iyaga uu tahay samar ey jeceyl yihiin iney fasaax la qadaan familkoda maxaay nogu diidayaan ina anagana la qadano familkena walaahi niyadina waa naga dileyn ile noloshi macaankediye naga sareyn mugdi iyo culeys lakiin Alle ayaa talada saraneyna si kale wax kuma hagagayaan
    .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. c/fitaax says:

    jimcale walaal anaga waan joognaa sweden dadna waa naga maqanyihiin xiliga wax soobaxaan qof walba waa garaasiin karaa qaraabadiisa fadlan dadka jooga afrika qof walba qof aya aujooga sweden marka dadka ha dhibin way ogyihiin waxa ka socda dadkooda aya lasoo xariiraan marka isbuucii halmar war aan waxba hayn ha usoo galin way fahmayaan inaad xayaysiin kala jeedo si loo aqristo webkaada marka iska daa walaalkay, hakuma mashquulin wararka soomaliya iska gal taas ayay kaaaga fiican wabillahi towfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  4. c/fitaax says:

    maalintii dowlada ka garto go’aan qof walba qofkiisa ayaa gaarsiindoona inshallah maahan wax ubaahan in web lagala socdo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  5. Jimcale says:

    Nuradin iyo C/fitaax haddii aad dhibaato ku qabtaan wararka aan halkaan ku soo qorno. Cid idinku qasabtay ma jirto in aad Somaliska.com akhrisataan.

    In wax la eedeeyo waa fududahay balse in wax la qabtaa waa adagtahay. Fadlan soo bandhiga waxaad bulshada u qabateen?

    Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  6. okash wadani says:

    asc xanaaq iyo saxaafad meel islama maraan qofku markuu ubareero suxufi nimo ama wax uqabadka bulshada maahan inuuu ku hadlo erayada qaarkoo.cid idinku qasabtay ookale maxaa yeelay markaad wax qorayso naftirkeeda hadaan laba qarisan amaba aan lasoo booqan.somaliska ,com umalayn maayo in qofka isku xilqaamay markii hore inuu wax qoraa uusan helayn niyad wanaagsan oo uu kusiiwado qaraalkiisa.tankale.walaalyaal idinkuna waxaad noqotaan dadkii looshaqaynaayay maxaayeelay waxaa laydinku lumiyay waqti si aad u heshaan warar khuseeya arimaha hada taagan marka waxaan hadalkaygan kusoo gunaanadayaa halsku samro wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. hamdi says:

    asc dhaman aqyaarta jimcale soryy wlalal edayntas ad ban kugu faraxsnahay kuna aragna aqbarta´da qimo ayana noledahay markA DADKANA XOGA KULELKA DHIBKA HAYSTA KA KENYA MARKA SORRY AD BUU SOMALISKU QIMO UGU FADHIYA ARINTANA WAN OGNAHAY SIDUUSAN UGASEXAN MARKASTA OO U UGUHELANYAHAY INU USOO GUDBIYO HADBA XOGTII SOO KORARTA MARKA WAAN KURAJAWAYNAHAY XISBIGASNA HANOLADAN LENAHAY SWEDAN WARFARXADLEH AYAN KA SUGAYNA MID AYAN USHEGAYA SHALAY GABAR AAN SCOOLKA ISLA DHIGANJIRNAY AYAA WARAQ LOSOODIRAY OO ILA TIMID WAXANA LA YIRI DHIIG AYAA LAGAA QADAYA WAXAY U DACWOTAY HOOYADED WAXAY JIRTA GABARTUNA 17 SANO MARKA ILAAHAY IDANKIIS WARFARXAD LEH AYAN IDIN RAJAYN KULIIGIIN IYO KULIGEN BA WAYO ANIGUBA WAN KUJIRA WANKALA QARANAHAY SWEDAN IYO AFRICA JIMCALANA WAXAN LEEYAHAY NOOLOOW WALIGA JIR WLALA AD BAD U MAHADSANTAHAY WA BILAHI TAWFIIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. naima says:

    kkkkk waa cajiib war markaad ledahay warkaada hadii aad benta kadeyn niyad aad ku sii qortid mayeelaneysid qofkan wuu awodaa in uu iska dhaafo wixii wadanka kasoo baxo intuu kaligiis aqristo kaaliin waxaa ku kalifay in uu wax walba u soo bandhigo walaalihiis aan waxbo meqlin midakale sidee ku ogaan kartaa in uu qofkaan ben shegayo? waa run fadlan hadii aad webbka somaliska.com ku qabtid waad iska deyn kartaa adoo qofna eedeyn asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. naima says:

    soomaali weyn fadlan iska dhaafa in aad eedeynsaan kan rabo in uu madax idiin noqdo iyo kan rabo in uu wararka idiin soo gudbiyo somaliyeey mesha niigala heesto ilaah ayaa garanayee uranka badan iyo is eedeynta faraha badan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. maxamed says:

    cabdi fatax wa nin aad u aqlaqxun waayo wan aqana wa nin xun inta qof xunyahay war somaliska ma waxad moday meshii isdhowr oo xisho hadii kale ceebtadan qashiifi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  11. Haawa says:

    Subxana llah war xishooda ma,ahan inaa is eedayno, waayo waxii aad fahmi waysaan kataga wixii ad fahamtan qaata,ma,ahan inad iska edeysan dad ama wariyaasha.
    Waxaa ogaataan wariyaha ma iska hadlo ama waqtigiisa masiiyo wax malaayacni ah o dadka anfaceen sida in uu qofka ogaado aya fiican waxaa kalo ogatan webkaan wax alale iyo waxii kadhaca waa laso gudbiyaa qoraaladooda ama meshii ay kahadleen dowlada. aniga ahaan waxa leyahay jimcaale jazakumu llahu kheyr walal wanaga noso gudbisay iskana dulqaado waayo ummada allah ayaba laka duwan sidaa daraden waxii qaladada ah ka raali noqo iskana ilow hana ujawabi qofkii iska hadla waayo qof aad ujedid inuu ku magayo waxa wanagsan in laka amuso sidana aya ajar kuhele walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. sakia cali says:

    asc wrwb walaalo jimcaale waxaan kuwaydiinayaa meeshaan wax ba miyaana kasoo jeedin mise waaba lanacay wax la keenayo waayo meeshan waxailatahay imamay waxba kasoojeedin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal arintaan waxaa loo saaray gudiga arimaha bulshada ee barlamanka. Insha Allah waxaa la filayaa sidii horey qof ka mid ah gudiga uu u sheegay in dhamaadka sanadka ay ku aadantahay in sharciga wax laga badalo.

      Cid hada wax balan qaadayso ma jirto balse qiyaastu waxay tahay in dhamaadka sanadka ay isbedel sameyn doonaan, ka horna waa macquul. Marka rajada ma dhiman. Soomaalidana waxaan ugu baaqayaa in aysan niyad jabin, dadaalka iyo dibad baxyada meesheedii in aan ka sii wadno markii laga soo laabto fasaxa.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. C/RAXMAN MACALIN says:

    asc.dhamaan shaqaalaha webka somaliska. iyo akhristayaasha. sln kadib waxaa kamid ahay akhristayaasha sida weyn ugu xiran webkan. waxaan oran lahaa kuwa wax eedaynaya war hadaad wax ogtihiin samaysta website oo kusoo bandhiga waxaad haysan. anagaa ubaahan somaliska. oo ku qanacsan. oo TEN Months kusooxirnayn webka. jimcaale na waxaan leeyahay fadlan ma ahan kuwan shaqsiyaad jira oo qiimo kale Qoysaska ay ka dhasheen. let alone Somali weyn inay wax taraan. UGU DAMBEEN. ILAAHEY DALKEENA NABAD HANOO DHIGO. ASAGAA QARIN KARA KEENA XUN SIDA KUWAA OKALE. Mahadsanidiin. asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Faa`Id says:

    Asc wr wbr Waxaan aad u xiisaynaynaa runtii waa in laga shaqeeyo sidii Soomaalideena dhan celeyska na haysta looga dul qaadi lahaa waxii ku saabsan arintaasna waan soo dhaweynaynaa, Hadii todobaadyadaan arimahaas aan laga hadlin in maanta la soo hadal qaadana wax ku saabsan arimahaas socdaalka iyo mideynta reeraha kala maqan waa soo dhaweynaynaa. Dhanka kale Jimcaale haddii uu qofku howl qabto howshaas waxuu kala kulmayaa xumaan iyo samaan waxaana ku oran lahaa ha u bixin inta sida xun u fakareysa howshaadana halkaas ka sii wad wax alle iyo waxii ku saabsan arimahaan mideynta reeraha Soomaaliyeed ee kala maqana noo soo gudbi mahadsanid,tusan tack.,Ascwr wbr.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Waxgarad says:

      asc

      walaalayaal marka hore ilaahay ka cabsade. Ma ahan in aan ku eedayno walaalkeen xil iska saaray arimaha midaynta qoysaska oo muujisay dadaal dheeraada meeshaad dhihi lahaydeen ilaahay ha kula garab galo adiga iyo inta jecel Soomaali waynta ma ahan in aan ku abaal marino aflagaado. wanaaga aan isfarno xumaantana aan iska reebno. arimahaan oo kale waa waxa dalkeena uu u dagi la yahay .

      Ws

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. baariyoow says:

    asalaamu caleykum jimcaale waan ka xumahay dadka waxma garatada ah
    ee aflagaadada kuu geysanaya marka jimcaale dadka isku edeb ma aha isku
    garaad ma aha marka haka ficil qaadan dadkaan caytamaya soomaali meel
    looga baxsanayaayo ma jiro,
    marka waxaan kugula talinlahaa haddaad yeeli karto qofkii caytama qoraallka
    ka xir si uusan wax danbe usoo qori karin blog saar.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. anna says:

    war badanaa oo eed badanaa xumaan badanaa somalidu oo isla weyni badanaa oo is eedeyn badanaa oo midba midkale isku taag badanaa waa yaab yaab ila 1991 till nu.idinla yaabayee ma isla yaabteen mise?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Massago says:

      Anna ereyga soomali waxa awka sameysan yahay aaba ah is xog xogasho.
      S-ta Sabar la,aan
      O-oon
      M–miir la.aan
      A- amarjeclo
      L-laqdabo
      I-islaweynin
      muga war adaaba soo koobay ilaaa från 1991 tills idag
      wixi ay qastay kuma filno wax kale ay u ciil qabtaaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. kayfo says:

    asc waan ina wada salaamay dhamantiin garahan jimcaale walaal waxan kuleeyahay karalinoqo ha ubixin waa somali warkeedi badnede aan duceesano in ilaah naydena burccad isku mariyo wad aragtan meelwalba dhib baa nagu hesta wana wax anaga aan samesanay qokii wax qabanlahana niyada unbaan kadilnaa marka walalayal aan u mahad celino walken jimcaale somalina aan uduceeno mala yacniga an iska dhaafno wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Nuradin says:

    Ku.jimcale sxb dadku weykadalen benta marka ila fasaxa laga solabanayo benta uhaki marki fasaxa laga yimado bentoda ubilaw lkn wey wada fahmikaran hada wixi aad soqorto in ey tahay been qaawan maxayelay cid shaqo kujirto malaha hada inte war kaheli karta marka haiskudadin bentada markey gadmeyso gado firo gar aha ogow in ad tahay saxafi dulqadmuji

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. Nuradin says:

    Saxafada waa waxa ugufican qofka uu kufa ido dabcan magaca jimcale malintat wabka somaliska ad bilabeysay iyo manta farqiweyn aya udhaxeyo si hadi lofiriyona sababtas waxa kosgareyay ALLAAH kasokow aqristayasha mantana wexey mareysa yakuguqasbay oo adiga yakuguqasbay in ad soqorto?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Jimcale says:

    Nuradin – bro horta is daji, been marka aad nagu eedeyso waa in aad u haysaa cadeyn. Ma waxaad leedahay naagtaan hadalka aan ka soo qornay ma oran? mise waxaad leedahay sidii ay u tiri ma aanan soo qorin? maxay tahay beenta aad nagu eedeyneyso? mise u haysaa cadeyn in aan been soo qorno.

    Mida kale, aniga hadalkaaga ima dhibaayo waayo haddii taasi i dhibeyso bogga uma aanan sameeyeen qeyb fikradaha lagu darsado. Balse qaybtaan waxaan ugu darnay bogga in lagu kala faaideysto ee hadal macno daro ah uguma darin.

    Waan ka saari karaa hadalkaaga bogga oo waan sameyn karaa in aan cidi arag cidna akhrisan balse ma doonayo taas, waayo aniga waxaa marqaati ii ah akhristayaasha sharafta leh ee Somaliska.com ku xiran oo aaminsan.

    Marka aan ku leeyahay yaa kugu qasbay ma ahan in aan xanaaqay balse waxaan ka wadaa, internetku waa balaaranyahay, wax ku farax galiya iyo wax aadan jecleysan intaba waad ku arkeysaa. Waxaa lagaa doonayaa wixii ku farax galiya in aad soo dhaweyso, wixii kalena aad faraha ka qaado.

    Qofkasta oo fikrad soo qora waqti aan ugu jawaabo ma haayo,qaasatan fikradaha la midka ah kuwaaga ee aan ku dhisneyn xaqiiqada balse iska hadalka ah.

    Ugu dambeyntii waxaan ku xasuusinayaa xadiiskii nabiga (scw) ee ahaa “kuwa rumeeyay Allah iyo maalinta khiyaame hadal wanaagsan haku hadlaan ama ha aamusnaadaan”

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Nuradin says:

    DR.JIMCALLE,THANKS markalabad ogow qofku in uyahay xuriyo dabcan sida ad xuriyo ujahay dabcan walahi wan kaqatay wananada iyo xasusinta yomul aaqiro jizakumulah lkn sharaf kuma aha in aad qofka uguboteysit fikirkaga wan awada in an la arkin that mens wabki ayat waxt kadhiktay qol kamid ah qolalka baltok waxana filaya somaliska in ukasharaf weynyahay qol qof leyahay eniwey hadi ad kalsoni kuqabto shacabka ana waxan kamid ahay shacabka poro wana kaqatay wanadada rìbeynta lasocoto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Massago says:

    Xisbiyadi Sweden ayukaaaba isku mashquulsan doorasho kana siib kana saar bal aan sidaw yahay eegneee kujuro xeey umad kale wax u qabtaaan. mideynta reeraha waa odoxda kaliya ee nagu taagan hadaan nahay aaabayaasha/hooyayaasha dhiban ee kunool ensamhet. Runti qofna ma,ahaan karo kali,ahaasho mana kujuri karo Swedeshka marki ay fasax aaadaan 20 biri kabadan kama maqnaa karaan reerkooda marka xaqa ay lee yihiin anaga maxaa inoo diiiday? Anaaa xisbi aasaasaa ladhahay (invandrarepartiet ) mugaas aan soo dhacsaheynaa xaqa naga maqan Minii Eebo Idmo. Hadaan usoo naqdho arinta nuradiin,Cfitax iyo Jimcaale waxba hesku jeeedina warkaad soo qorto cidi aw dhibaaa qasab kuma ,ahin ineey aqrisato komabtsa kabixiso asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. said says:

    salaam akhyaarta soomaaliska oo u horeeeyo walaal jimcaale
    marka xigta waad ku mahadsantihiin sidaa wakhtigiina iyo dadaalkiina aad galiseen inikoo u adeegaaya bulshada soomaaliyeed
    anigu waxaan ahay akhriste webka soomaaliska maantaana iigu horaysa inaa fikradayda ka dhiibto waxaana igu kaliftay walaalka eedo iska soo qoray waxaan usheegi lahaa hadaad arimaha oo dhan la socotid maxaa kusoo galiay webka ta labaad waa maxay sabata qof aad u edaynaysid adoona wax hubsan waxa la soo qoray waa war kusoo baxay wargaysyada iyo idaacadaha swedhishka
    beenta aad sheegaysina adaa isku markhaati furay oo wax la socon
    ta kale dadka soomaaliyed ee dhawaan imadku mawala yaqaanaan swedhishka maxaad uga xasdin in loogu soo qoro hadba waxii cusub halkan
    walaalow wax faaida le kusoo qor meesha wax amba wax tar kale la imo oo umada anfacaaya hadii kale hadala nuucan oo kale paltalk meelahaas la aad
    walaal jimcalena waxaan odhan laha hadala nuucan oo kale inay ni dhibin oo shaqadiini niyad jab ay iniga ridin
    hanoolato umada soomaaliyed ilaahayna dhulkeeni barwaaqo iyo nabad ha noogo dhigo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Kulmiye.maxamuud.kulmiye says:

    Uguhoren waa idiin salaamay dhamaan aqrista yaasha midakale baryahan waxaakusoo batay iseeden ama qilaaf marka waa waxaadhiahi lahaay kuwa kasoo horjeedo qoraalka oo jimcaalo noogu soo gud biyo meeshana waxaa dhihi lahaay wada qaldada tihin maxaayeelay boqol kiiba labaatan waa been jimcale waxoo soo qoro mana ahan in labaatan kas lugu daledceeyo bili aadanka badanaa mawada sheegaan ru oo been waalugu kabaa maka kadaay dalee ceeta ee wixii qaldan noosaxa walaalayaal ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. umea says:

    sxb waxaaan u malaynayyaa inaad soo qorto adigoo marqaaan ah waaana taas sababta dad badan oo somali ah ay u aamineeen inaad tahay beenaaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. Jimcale~201 says:

    Ani iswidhan marabo nag raba asaxbay wlh blh tlh nimpaskayga wa jimcale~201

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  27. Hani says:

    K k k k jimcale ani kawaran

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1