Xisbiga Moderaterna oo soo bandhigay qorshe si weyn uga soo horjeeda qaxootiga

Xisbiga Moderaterna (M) oo ah xisbiga labaad ee ugu weyn Sweden ayaa isbuucaan kulankooda ay ku yeesheen magaalada Malmö waxay soo  jeediyeen qorsheyaal cusub oo si weyn uga soo horjeeda qaxootiga isla markaana lala barbar dhigi karo ama dhaafsan siyaasda SD. Gudoomiyaha xisbiga Anna Kinberg Batra ayaa soo jeediyay in Sweden ay guud ahaan joojiso qaabilaada qaxootia cusub.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in guud ahaan la xiro xuduudaha wadanka isla markaana dhamaan qaxootigii ka soo galay dhinaca Denmark dib loogu celiyo wadankaas. Xisbiga ayaa doorashadii la soo dhaafay si weyn ugu fashilmay, iyadoo dad badan oo ka tirsanaa codbixiyaashooda ay ku biireen xisbiga SD.

Taasi ayaa keentay in ay bilaabeen siyaasado cusub oo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo jiitaan dadkii ka tagay, iyaga oo bilaabay in ay koobiyeeyaan siyaasada SD ama xitaa mararka qaar ay soo jeediyaan fikrado dhaafsan kuwa SD.

Guud ahaan siyaasada Sweden ee ku aadan qaxootiga ayaa aad loo adkeeyay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo hada uu socdo tartan ay ku jiraan xisbiyada siyaasada oo lagu tartamayo cida soo bandhigi karta siyaasada ugu adag ee qaxootiga lagu dhabar-jabin karo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. faduma aragsan says:

    asc walalle waxan donaya in ad war iga sisan waxa hesta sharci talyani ah waxa la igu dhaha dacwada waxa ka xaren karta swedan ado la joga carurtada maxa ka jira warka mida kale hadey jirta halke lo mara maxa sharud la isaga bahan yahay fomka la buxinaya wa lambarke way idin furan tahay jawabta tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Faarax says:

    Migrationsverketka laxariir iyagaa wadadii aad mari laheyd oo sax ah kuu sheegayaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. moha says:

    Sxb wadada kuugu fudud waa inaad italy ku laabataa oo habka internetka kaga xareysata adoo soo dalbanaya reerkaaga wadada hadaa marto ugu badnaan waa 6 bil ilaa iyo sanad waxii ka soo haro eed marto waa waqti lumin oo ugu danbeyna halkaasaad ku biya shubaneysaa anigey isoo martay inaan halkan iska dhiibo reerkeyga sheegto 2011. 2014 kii baa naag loyer sidaa igula talisay 4 bilood baanad waxaygiiba kusoo dhameystey sxbkey baa marey isna doraad bay usoo gabagabowdey marka sidaasan kugula talinaya walibana ku darsoo hadaa reerkaagu citizen yahay oo aad ku timaado xiriir qaraabanimo maku saameyneyso hadii heshiiska ui saxeexay ceynte ee lidiga ku ah qaxootiga scandenevian ka ku dhaqan sidaas baan kugu adkeynayaa inad sameyso bro mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Suhayb says:

    Saxibayaal Hoyo Iyo Walalahy ayan u dcwooday interviewgii Wa mareen Dhiigi Wa Mareen iyaga
    Aniga basaa Dhiman Waqti badan bay igu qaadaty oo sanad ku dhow
    Wlina jawaab ma ahayo Rerkana xaaladooda wa iska liidata Marka Maxan Sameen karaa Oo si dag dsg Ah familka laygu Keni karaa Jawaab inaa isoo siisaana Rajaynaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ayeyo dalan says:

    asc onlen wax laga xareya o sharci fududeya miya jidha walal bal i dharaxa an ku dhaqaqe iminkaba garega joga miyan ka xaren karaya fomkisa iso shega lacagta sida an ku bixinayana iso sheg walal iyo inta ay igu qadan karta iyo sida an sameynana wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ilaahy qof kaste kurbadisa ha faydo aamiin yaa rabi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Osman says:

    Aragsan in aad talyaaniga kaxarrysato ayaa kufiican wana sida sharciga qabo marka taladaas qaado ee italy kadalbo kadibna ilmahaada iskalajoog marka italy dhiiga lagaasooqaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. hawa says:

    Fadlan tallo ha laiga siiyo ninkeya ayaa joogo norwey wuxuu u dacwoodey ania iyo caruurteyda nasiib dark balanti sanadka aheyd noola qabtey ayaa dib ugu dhacay hooyadey xanuunsan aawaded .waxey nagu dhaheen balanta ayaa ka dib dhacdeen .sorry. Markamaxaa igula talin laheed idinkoo mhdsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0