Xisbiga SD oo kala jabay

45

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) iyo garabkiisa dhalinayrada ee lagu magacaabo SDU ayaa maanta kala jabay ka dib markiii uu qilaaf weyn ka dashay gudoomiyaha xisbiga ee loo doortay qeybta garabka dhalinyarada ee xisbiga. Qilaafkaan oo muddo socday ayaa maanta si rasmi ah u sababay in gudoomiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson uu ku dhawaaqay in qeybta dhalinyarada ee SDU aysan ka tirsanayn xisbigiisa.

Åkesson ayaa sidoo kale xiray bogga internetka ee qeybta dhalinyarada isla markaana ku dhawaaqay in ay dhisayaan garab cusub oo dhalinyaro ah. Gudoonka cusub ee garabka dhalinyarada ee SDU ayaa waxaa loo doortay gabar lagu magacaabo Jessica Ohlson taasoo sheegtay in uusan Åkesson awood u lahayn in uu qeybta dhalinyarada ka saaro xisbiga, oo go’aankaas uu gaari karo kala fadhiga xisbiga oo keliya.

Xisbiga SD oo ay taageeradiisa aad u korortay ayaa waxaa ka taagnaa qilaaf la xiriira sida uu xisbigu u maareynayo xubnaha xagjirka ah ee xisbiga ka tirsan. Iyadoo Åkesson uu balan-qaaday in dhamaan kuwa xagjirka ah laga saarayo xisbiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here