Yaa u hadla Soomaalida qurbaha?

Bulsho kasta oo ku nool qurbaha waa in ay yeelataa dad ula hadla saxaafada oo tusaale u noqda, dadkaas tusaalaha u ah haddii ay noqdaan kuwo iyagu ka fog dhaqanka iyo diinta bulshadaas waxay dhibaato ku noqoneysaa in sawirka dhabta ah ee bulshadaas uu soo baxo. Mowduucaan waxaan ku keenay ka dib markii aan aqriyay mowduuc kus aabsan gabadh lagu magacaabo Amal Aden oo ku nool dalka Norway, gabadhaas oo wax badan ka qorta arimaha isdhexgalka sidoo kalena ah turjumaan Booliska dalkaas kala taliya arimaha Soomaalida ayaa markii aan u fiirsadey fikradaheeda waxay ka bariiseysaa sidii ay Soomaalida wadankaas ku nool ay u cambaareyn lahayd.

Warbaahinta cunsuriyiinta ayaa ku doodaya in gabadhaas ay tahay tusaalaha loo baahanyahay ee bulshada Soomaalida. Fikradaha gabadhaan ayaa waxaa ka mid ah in Jaaliyadaha Soomaalidu ay yihiin kuwo ka soo horjeeda isdhexgalka waloow ay sheegtaan in ay ka shaqeeyaan isdhexgalka.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalida ka qorto in Soomaalidu ay inta badan taageersan yihiin gudniinka fircooniga iyo in Soomaalidu ay qayaanaan qasnada cayrta. Haddii ay sax yihiin eedeymahaas iyo hadii aysan ahaynba waxaa Soomaalida loo baahanyahay in ay u soo baxaan dad ula hadla saxaafada oo ka turjumi kara dhaqanka iyo diinta bulshada. Waa in la helaa dad aan caado qaate ahayn oo an ka xishooneyn dhaqankooda balse ku faraxsan in ay sharaxaan iskuna dayaan in ay waafajiyaan nidaamka wadanka aan ku nool nahay.

Haddii Soomaalida ay hogaanka saxaafada u qabtaan dad iyagu raadsanaya xoogaa qarash ah oo markii hore nolosha ka dhacay sida gabadhaan oo markii hore daroogiisato ahaan jirtay (aflagaado igama ahan ee waa sida ay bogeeda ku qoratay) Soomaalida waxay ku qaadaneysaa waqti dheer in ay iska wareejiyaan darbiyada adag ee ay u dhigeen dadka nuucaas ah.

Waa in inteena ku faraxsan dhaqankeena iyo diinteena aan u istaagnaa sidii aan ula wareegi lahayn mikrofoonka saxaafada oo aan noqonaa cida shaashadaha ka soo muuqata ama la tixraaco markii laga hadlayo arimaheena. Isdhexgalku macnaheeda ma ahan in qofku diintiisa ka tago, ee waa in uu guul ka gaaro nolosha iyo wadanka uu ku nool yahay.

Haddii aad mowduucaan fikrad ku darsaneyso fadlan si xushmad leh ku soo gudbi adigoon shaqsi aflagaadeyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. mohamed says:

    asc dhamaan somalida meel walba oo aad dunida ka joogtaan gaar ahaan somalida qurbaha ku nool waa ayaan daro in gabadhaani oo kale ay u gafto mushtamaca somaliyed ayada ayaa isku gaftay na ceebeeysan marka maxeey dad kale wax ka sheegtaa xag rabi ayeey ka ceebeysatahay oo waad aragtaan muuqaalka foosha xun ay leedahay waxaan dhihi lahaa waa gabar gaftay shaqadeedii waana rufyaanad aad u weeyn tan kale waxaa ceeb ah hadii aan nahay somali in aan ceeyr kadaba wareegno aan isku dayno in aan shaqeysan karno cidna nagama xoog badnee intii wax been ah nalagu ceebeysan lahaa sida tan hada ay sheegtay nagtani oo kale oo aysan waxba ka jirin ilahey dalkeyna nabad ha nooga dhigo waxaan jeclahay somalia oo ceeyr bixini in aan arko weeyna imaani hadaan anagu isku duubni iyo wada shaqeeyn la imaano wax kasta rabi ayaa xukmiya wabilaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Yarisow says:

    Asc,, xaqiqdi maqalkan mesha u usocdo wan fahmi wayey,,ma gabadhan aya lagu durayaa mise wixi kka qaldan ayan u saxeynaa,, hadi ay tahay aan ceebeysano wa mesheda,, lkkn hadi aan rabno in an wax badalno wa in aan isku deyna sidi an gabadhan melaha qaldan uga sixi laheyn,, maqalka waxa ku qoran in ay horey daragis u isticmali jirtay lkn ay iska dhaftay,, marka waxyabaha kale ad ayey u fududahay in an ka hor istagno anaga oo meelo badan kka firineyso qiimeyn xog badana isticmaleyno,,markka Jimcale ad ayad u mahadsantahey inanta wixi kka qaldan an u saxno waayo wa qof dumar ah sheydankkina ka tan batay,, Aabe Somalliyed aya dhalay illaa hadana kama uusan qusanine anaga yaanan kka qusan,, waa gabdheheeni ama walallahen oo kale marka aan iksu deyno in aan wax badan qaab fikir ahaned kku badalno…
    Mahadsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. najma says:

    asc dhamaantina anigo fiigradeyda ku darsanayo runti waa laga fiican yahay in aad walaalaha aad oga hadashiid dad kale aad isku diin ama isku dhaqaan aheyn hadey xata lacaag ku qadado ma ahaan iney dadkeda ka hadasho kaligedana ma ahaan waxaa jiraan somali badan oo tiiftifa ona wax ku qarineynin xata waxaan arkaay dad ka hadlo hada wadaan kale ka timado ku tiiftifayo waxaan tihi lahay alle ka cabsade qofka walaalka ah haa uu aqoonsanin meceshadisa ile adiga masineyside runti aniga ayaa markaan cusbay igu dhacdaay dhiib waxaa warqada ceyrta ii buxisay gabar an aqanay waxaay igu qortay ina guri le yahay dahabna le yahay xata baabur le yahay anigana waxaan uu geyaay ceyrta ile ma fahmine luqade ceyrta waxaay igu tiri waxaa qabta lacage maxaa anaga noga bahaan tahay gabadhasna waa qof an saxiib ka dhigto ayaa ka dib tolka ley qabtay ayaa uu shegay iney gabar ii buxisay warqada ona aniga waxba garaneynin kadib ayaa ley yiri anaga ku tuseyno sida lo buxiyo ma ahaan gabadhaan ee waa jiraan dad xasiida oo wax ba ku ogaleynin lakiin waxaan tihi lahay alle ka cabsade xasiidnimada iska daya ille aduunkan waligeyn ma jogeysin ee xaadsanimo iska daya igana rali noqda waxaan ku soo daraay wax kala kulmay aniga xata dadka xasiidka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Nuradin says:

    A.s.c.dhaman aniga waxan qaba 2fikradot 1″ ingabadha ay ushaqenkarto cidwalba o shaqo siso 2″ in ay shaqadeda ay ugudato sidi logutalagalay,lkn halmid wamkaso horjeda taso ah in ay dhabta kahadliweyso wakuceb wain ay runta kahadala qofka shaqadahayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Cabdi says:

    Maqaal kani wuxuu ka turjumayaa xaqiiqada ah in aan u baahanahay dad xilkas ah oo qaadi kara masuuliyada ah in umad dhan laga matalo dhan walba, akhlaaqda diinta dhaqanka dad la dhaqanka I.W.M markaad macluumaad bixinayso oo aad tahay qof warbaahinta xiriir la leh. Waa dhab in aan u baahanahay dad isku dheeli tiri kara oo karti u leh in ay iswaafajiyaan diinta, dhaqanka suuban iyo daruufaha casriga ah ayagoo shaqadoodana daacad u ah cidna aan ku xad gudabayn oo aan ceebeynayn,lakin walaasheyda magaceedu kor ku xusanyahay iyo turjumaano kale oo badanba kama dhaadhacsana in waxaas oo dhani xil ka saaran yahay. Gabadhan kor ku xusan waxay qortay buug lagu magacaabo (se oss, ina eega)kaas oo si aan loo aaba yeelin loogu soo aruurshay wixii soomaalidu ceebo la hayd iyo waxii lagu dari karayba. waxaa haboon in aan xilka iyo waajibaadka na saaran aan isku dayno in aan u gudano sida ugu haboon hadii ay aah lahayd kuwa ay nagu leeyihiin bulshada aan la nool nahay iyo hadii ay ahaan lahay kan lama taabtaanka ah ee quumiyada aan u dhalanay nagu leedahay.

    Wasalaam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Yaksa says:

    xaqiiqdii inagu waxaan leenahay dhaqan iyo diin gabadhaasina meel ayayka gadhacday sumcada iyo sharafta somalied balse waa ay soosocdan kuwa kasii dan gabadhan. Waxaase loo baahanayahay inaan inagu samayno nidaam Integration ku salaysan ma ah inaan bulsha aan lanoolahay ee Swedish ka ah aanka fogaano hada aan nidhaahno shaqo la aan ayaan ahay,,.
    Dadyawga invandrarka ah ee ku nool wadankan Sverige waxaanahay dadaka ugu dhexgalka yar ugu shaqol’aanta badan ugu waxbarashada liita markaa wxaan ubaahanahay isbedel *vi behöver förändring* iyo walibana inan sameeno ‘mer Orientering’ee fadhiga halaga kaco ayaan qabaa??????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. bashir haji hamud says:

    run ahaantii dadkeena dayacwayn ookala daadsanaan ah ayaa kuhaysata qurbaha laakiin maxaa keenay , waayo waa mid aan kala nimidnay wadankeenii sidaasi awgeed waxa loobaahanayahay sumacada markii hore ay dileen dad inaga dhashay oo soomaali ahi inay daafaha adduunka gaadhay laakiin waqti kastaa waxa uuleeyahay dad la socda oo wax kabadalikara ama dibi dhacsamaynkara aniga waxay ilatahay dadka inay wax badalaan la doonayo inay yihiin dadka hada cusub ee wadanka inbadan aan joogin oo raadiya nolol iyo hab dhaqan ka gadeisan kuwee hore fariin iyo tusaale wanaagsana ujeediya dadkani aan lajoogno ee maanta ay noloshu ay meel inawada dhigtay wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ibraahim says:

    asc dhamaan somali meel walbo aduunka kaga nooshihin anigu fikrad ahanteyda waxaan qabaa gabadhaan amal adan ineey somali meel weyn kaga dhacday oo qalad ey kagaleyso mana ahan hadey shaqeyneyso iney ka shaqeyso somali diintooda iyo dadnimadoda anigu shaqsi ahaan waan aqanaa amal adan waayo waxey ii aheyd turjuman wax yaabo badan ey ku dhaqmeyso ayaa jiray oo diimaha xagooda ah oo waxey daabacday buugaag marka mida hada ey somalida ku heyso ayaa ka weyn amal adan somali ilgaar ah ha isaga fiiriso gabadhaas asalkeeda meshey kasoo jeedo waan aqaanaa lkn madoonaayo inaan halkaan ku shaaciyo waayo waa qalad somali aan kagalay hadaan kala bixbixiyo marka illaah hanaga qabto amal adan insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xafsa says:

    ASC WALALAYAAL MAQAALKAAN WUXUU KA HADLOOYAA WAX SAX EH WAA RUN IN SOOMALIDA MARKEEY LUUQADA BARTAAN AY ISKA DHIGDHIGAAN DAD AAN SOOMAALI AHEYN WAXEY KA TAGAAN DHAQANKOODII DIINTOODII WAXEY KA FAANAAN DADKOODII MARKA HADAL BADAN HAAN MA BUUXSHEE MAXAA LOO WAAYEY SOOMAALI KU FAANTA DIINTEEDA IYO DHAQANKEEDA SIDEEN U NOQON KARNAA SOOMAALI RUNTA KA HADASHA KA HORTIMAADO BEENTA NALAGA SHEEGOOYO SAWIR QURXOON BIXIN KARTA ISDHEXGALKU KUUMA DIIDAAYO INAAD DHAQANKAAGA IYO DIINTAADA WADATO DADKAAN AAD U JEEDAAN QALAD EY KA FAHMEEN CML

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. saafi says:

    wscm walaala yaal waa wax laga xumaado in ay maalin walba qof soomaaliyeed uu sharaftiisa diintiisa iyo dadkiisa kuxad gud kolay gabadhaan waxa ay kasheegtay soomaali ayadana way kujirtaa. laakiin waxaan qabaa in meel looga soo wada jeesto oo dadka xumaha wada dal iyo dibadba farta lagufiiqo waxaana kaloo loo baahanyahay in lahelo dad ayagana wanaaga wada oo xaga kale kafaafiya waa yo waaru oo bini aadamku waa indha ku garaad le oo waxii uu arkuu kuu qaadanayaa.ee hala helo dad arinteeda radiya oo kasoo horjeesta oo dhaha waxay sheegeyso waxba kamajiraan. anagana hanalaga arko oo aan Diinn teena runta kasheegno.
    kuna dhaqano seytahay.
    beenta iska deeyno, xaaraanta iska deyno, qiyaanada iska deyno.Afkeena iyo uurkeena iyo camalkeena hawada socdaan walaalayaal insha alaah waan guulaysaneynaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ciise says:

    waaa idin salamay marka hore waxan qabaa soo maalida ma ahan dad dhibka ama wax barashada jecel

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • muna says:

      asc waan idin salaamay runtii aad baan uga xumahay in mushatamaceena soomaliyed lagu tilmaamo dad ma shaqeystayaala in kastoo dhaqdhaaqeenu yar yahay waxaana la odhan karaa taa waxaa usababa ah in dadka soomaliyed ay yihiin dad diin dooda ku adag 99% oo aynaan la mid aheyn sidey sameyaan dad muslintinta kamida oo hore u dhexgala mushtamaca kaalada, markaa waxay taasuna noqotay in nalagu cunsuriyeyo lk waxan qabaa, tan gabadha waxan odhan lahaa waxay somali ku ceebayn kartaa ma jirto madaamay diin dooda iyo dhaqankoda ka adag yihiin,

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. abdirahman says:

    asc dhamaan \somalida meel kasta ay joogaan tan kale hadii ay gaaladaanu ku tilmaameen somalida dad aan shaqeysan taasi waxay ani ila tahya been waayo qof aan shaqeysan ma noolaan karo tan kale soamalid awaxa cebyanaya tan oo kale waayo waad u jeedaa muuqaalkeeda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0