Zakaria Hersi oo qabsaday Nigeria

15

Wiilka lagu magacaabo Zakaria Abdulkadir Hersi oo ah reer Stockholm ayaa isbuucyadii la soo dhaafay hawada ka qabsaday wadanka Nigeria ka dib markii uu halkaasi ka aasaasay shirkad cusub oo lala dhacay. Zakaria ayaa ah aasaasaha bogga internet-ka Efritin.com oo u sahlaya dadka Nigeria in ay si fudud wax u kala iibsadaan. Aasaaska bogga ayaa waxaa ku baxday malaayiin dollar.

Zakaria ayaa bogga iyo shaqaalihiisa oo hada kor u dhaafaya 150 qof ku dhisay muddo gaaban isagoo sheegay in Nigeria uu yahay wadan adag balse uu diyaar u ahaa loolanka. Bogga ayaa waxaa ka dambeeya shirkada lagu magacaabo Saltside oo Sweden laga leeyahay taasoo Zakaria uu u shaqo bilaabay sanadkii 2012.

Inta uusan u shaqo bilaabin Saltside, ayuu Zakaria horay uga soo shaqeeyay shirkad kale oo lagu magacaabo Besedo, isagoo safaro shaqo ku tagay wadamada Colombia, Mauritus iyo kuwo kale. Balse Zakaria si fudud kuma gaarin horumarka uu sameeyay isagoo dadaal badan u galay in uu gaaro heerka uu maanta joogo.

Shaqadiisii ugu horeysay ayaa ka bilaabatay wadanka Kenya halkaasi oo uu ka abuuray shirkad iibisa qalabka internet-ka, isagoo muddo ka dib ku soo laabtay Sweden. Markii uu Sweden ku soo noqday ayuu go’aansaday in uu shaqo raadsado, isagoo 300 CV u diray shirkado kala duwan isla markaana aan helin wax jawaab ah. Xitaa waxa uu sameeyay in uu magaciisa wax ka badalo, isagoo ka dibna diray 2 CV oo labadiiba loo wacay in uu wareysi u yimaado.

Zakaria ayaa sheegay in shirkadaha waaweyn ee Swedishka ah ay yihiin kuwo qiimeeya qofka halka uu ka soo jeedo balse aan eegeyn waxyaabaha uu shirkada ku soo kordhin karo. Si uu wax uga qabto dhibaatooyinka horyaala dhalinyarada Soomaalida ayuu wax ka aasaasay urur lagu magacaabvo S.A.V.E kaasoo ujeedkiisa ahaa in kor loo qaado heerka dhalinyarada Soomaalida.

Ugu dambeyntii ayuu shaqo ka helay shirkad cusub oo lagu magacaabo Coursio halkaasi oo uu 2 sano ka shaqeeyay, isagoo ka dibna u gudbay shirkada aan kor ku soo xusnay ee Besedo, maantana ah madaxa dukaanka Efritin.com ee hada qabsaday Nigeria isla markaana ay ku baxday lacag malaayiin dollar ah.

Taariikhda uu soo maray Zakaria ayaa cashar u ah Soomaalida ku nool Sweden, in haddii aad dadaal samayso aad gaarayso hadafkaaga. Hambalyo ayaan leenahay Zakaria iyo guul wacan!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here