Zlatan u soo baxay soomaalida Sweden

19

Marka la soo qaado magaca Zlatan Ibrahimovic ayay wada garanayaan dhamaan dadka ku nool Sweden balse taariikhda Zlatan ayaa ah in uu ka soo jeedo wadanka Bosnia oo aabihiis  ka soo haajiray isla markaana uu ku koray xaafada soo galootigu ay u badan yihiin ee Rosengard oo ka tirsan Malmo.

Mukhtar Ahmed waa 19 sano jir Soomaali ah oo ku nool xaafada soo galootiga ee Kungsmarken ee ka tirsan magaalada Karlskrona, isagoo ku barbaaray daawashada iyo ciyaarta kubada cagta. Mukhtar ayaa isbuucaan qaaday talaabadii ugu weeyneed ee uu ku noqon lahaa Zlatan ka labaad , isagoo heshiis u saxiixay kooxda Kalmar FF oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee Allsvenskan.

Telefishinka SVT oo wareystay dhalinyarada ku nool xaafada Kungsmarken ayay sheegeen in horay ay u doonayeen in ay ku daydaan Zlatan balse hada uu Mukhtar noqday riyada dhalinyada soo galootiga. Mukhtar ayaa sanadka cusub u ciyaari doona kooxda Kalmar FF isagoo lagu tilmaamay mid leh xirfad ciyaareed oo saraysa.

Mukhtar ayaa sheegay In uu aad u xiisaynayo in uu ka ciyaaro heerka uGu sareeya ciyaaraha Sweden iyo Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here